Guurka:- Imaaraadka Carabta oo sabab yaab leh u ogolaaday guurka aan Islaamiga aheyn

Bulsha:- Dadka aan Muslimiinta ahey ayaa loo ogolaan doonaa inay isku guursadaan isku furaan, sida wadajir ahna u wadaagaan mas’uuliyadda ilmaha si waafaqsan sharci cusub oo madani ah oo laga hir-geliyey magaalada Abu Dhabi ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Waa tallaabadii ugu dambeysay isku day uu Imaaraadka Carabta, oo ah dal guurka iyo furriinka ay ku saleysanaayeen shareecada Islaamka, uu ku xoojinayo maqaamkiisa ah xarunta ganacsiga gobolka Bariga Dhexe.

Go’aankan ayaa kasoo baxay amiirka Imaaradda Abu Dhabi ahna madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed al-Nahayan. 

Wareegto uu saaray Sheekh Khaliifa ayaa lagu sheegay in go’aankan looga dan leeyahay “in sare loogu qaado kaalinta Imaaraadka ay kaga jirto tartanka caalamka ee lagu soo jiidanayo dadka hibada iyo hal-abuurka leh.”

Waxay intaas ku dartay in sharcigan madaniga ah ee lagu maamulo arrimaha qoyska ee dadka aan Muslimiinta aheyn uu yahay kii ugu horreeyey noociisa ah ee dunida, “si waafaqsan hab dhaqanka ugu wanaagsan ee caalamiga ah.” 

Maxkamad cusub oo la macaamisha arrimaha qoyska ee dadka aan Muslimiinta aheyn ayaa sidoo kale laga dhisi doonaa Abu Dhabi, waxayna ku howlgali doontaa luuqadaha English-ka iyo Carabiga, sida lagu sheegay wareegtada.




Imaaraadka Carabta ayaa sanadkii tegay soo saaray isbedelo sharci oo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin inaan dambi laga dhigin xiriirada galmo ee ka horreeya guurka iyo cabista khamriga.

Isbedeladan, oo ay wehliyaan tallaabooyin ay ka mid yihiin soo saarista dal-ku-gal muddo dheer, ayaa loo arkaa hab Imaaraadka Carabta isaga dhigayo dal soo jiita maal-geashiga dibadeed, dalxiiska, iyo deganaanshaha muddada fog. 










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment