Golaha Wakiilada Puntland oo ansixiyay Xeer qabanaya mas’uuliyiinta Xukuumadda

Bulsha:- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 49-aad Golaha Wakiillada Puntland.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa ka doodista wax-ka-bedelka Xeerka Khamriga iyo Xashiishadaha oo Goluhu ka doodeyey maalintii 2aad, kadibna markii Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha ,Diinta iyo Dastuurku oo wax-ka-bedel iyo kaabis ku sameeyey xeerkan.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaana qodob-qodob uga doodayey, una ansixiyey si waafaqsan qodobka 70-aad ee Dastuurka Maamulka Puntland.

Xeerka ayaa si faah-faahsan uga hadlaya ciqaabta iyo ganaaxyadda ay muddan karaan haddii lagu qabto shaqaalaha Maamulla, mas’uuliyiinta Xukuumadds ee Xasaanadda leh iyo kuwa aan laheyn, Ciidamada Nabad-gelyada, Guryaha lagu iibiyo laguna kariyo maandooriyaha, hubka lagu soo qabto hawl-gallada la dagaalanka maandooriyaha, lacagaha lagu soo qabto.

Intaa kadib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada  Puntland, wuxuu maanta Cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Wax-ka-bedelka Xeerka La dagaalka Maandooriyaha Puntland , waxaa Oggol ugu codeeyay 35, Diidmo 2 Mudane, haka aysan jirin cid ka aamustay.

Waxaa reebban sameynta, keenidda, beerista, gacan-siinta, isticmaalka iyo ka ganacsiga dhammaan noocyada Maandooriyaha sida uu qabo Xeerka.


Tallaabadaan ayaa kusoonaadeysa xilli Puntland ay qaati kantaagan tahay isticmaalka iyo ka Ganacsiga Maandooriyeyaasha Khamriga iyo xashiishka oo maalmihii la soo dhaafay la dagaalameysay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment