Gabar Soomaali ah oo dumarka qaba baahiyaha gaarka ah u naqshadeysay labbis caalami ah

Bulsha:- Kumanaan qof oo ku nool dunida ayaa sanad kasta la soo daristaa xaalad naafonimo ah, waxaana la sheegaa in qaybo ka mid ah dadkaasi ay niyad jab ku keento xaaladdaasi, hasayeeshee Faaduma Faarah waa hooyo Soomaaliyeed oo deggan magaalada London, waa ganacsato, waxaanay naqshadeysay dharka.

Naqshadda ay sameysaahi waa dharka ay xiran karaan dumarka baahiyaha gaarka ah qaba, gaar ahaan naafada ka ah lugaha, Iyadoo ka qayb gashay xaflada xayeysiinta dharka ee London Fashion Week oo ka mid ah goobaha ugu waaweyn ee lagu sameeyo xayeysiinta dharka.

Fadumo waxay isticmaashaa baabuurka yar ee dadka baahiyaha gaarka qaba isticmaalaan, laakiin kuma aysan dhalan baahidan gaarka ah.


Sannadkii 2011kii xanuun ku dhacay ayaana sababay.

Guriga ay London ka degan tahay waxaa ku booqdey wariyahaha VOA Qaaradda Yurub Abdihafid Awil Ismail, sheekadan ayaana dhex martey iyadda oo Faduma ku bilaabeysa qofka ay tahay.







Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment