Deg Deg:- Weeraro loo adeegsaday 14 diyaarad oo drone ah oo lagu qaaday Sacuudi Carabiya

Bulsha:- Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa Sabtidii sheegay inay 14 diyaarad oo drone ah ku weerareen dhowr magaalo oo ka tirsan Sacuudiga, oo ay ku jiraan xarumo ay shirkadda shidaalka ee Saudi Aramco ku leedahay magaalada Jeddah.

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka ka wada Yemen ayaa Jimcihii sheegay inay burburiyeen saddex diyaarad oo drone ah oo kusoo wajahnaa Sacuudi Carabiya, halka mid kalena lagu burburiyey hawada Yemen.

Waxay intaas ku dareen in Xuutiyiinta ay sidoo kale ku fashilmeen laba gantaal oo ballistic ah oo ay kusoo weerareen Sacuudiga, kuwaas oo ku dhacay Yemen. 

Afhayeen u hadlay militariga Xuutiyiinta, Yahya Sarea ayaa shir jaraa’id ku sheegay in kooxda ay weerartay xarumo shidaalka lagu sifeeyo oo Aramco ay ku leedahay Jeddah iyo sidoo kale bartilmaameedyo kale oo ku yaalla Riyadh, Jeddah, Abha, Jizan iyo Najran. 

Hadalka Sarea ayaa si kastaba waxaa ku jira khaladaad. Waxa uu khalday magaca garoonka diyaaradaha Jeddah, halka uu sidoo kale khalday halka uu ku yaallo saldhigga Boqor Khalid, oo uu ku sheegay Riyadh, ayada oo dhab ahaan ay tahay koonfurta Sacuudiga.

Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa dhankoodana Sabtidii sheegay inay weerareen 13 bartilmaameed, intii uu socday howlgal militari oo ka dhan ah Xuutiyiinta. 

Howlgalka ayaa lala beegsaday bakhaaro hub, habka difaaca gantaalaha, iyo isgaarsiinta diyaaradaha drone-ka ee Sanca, Sacda iyo Marib, sida uu sheegay isbaheysiga.

Xuutiyiinta ayaa weeraro joogta ah ku qaadayey Sacuudiga ayaga oo adeegsanaya diyaarado Drone ah iyo gantaalo ka gudba xuduuda tan iyo markii Sacuudiga ay faro-geliyeen dagaalka Yemen bishii March 2015 kadib markii kooxda ay rideen dowladdii Sacuudiga uu taageerayey ee Sanca.








Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment