Ciidamada PSF-ta Puntland oo baneeyay furimaha dagaalka & kuwo kale oo la wareegay

Bulsha:- Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland oo wata gaadiidka dagaalka noocyadiisa kalan ayaa xalay xilli dambe gaaray saldhiga weyn ee degaanka  Sugurre kadib markii ay soo banneeyeen Ciidanka PSF-ta Puntland.

Ciidankaas oo u badan kuwo laga keenay Gobolka Mudug ayaa sida wararku sheegayaan isku fidiyay dhammaan goobihii ay ka soo baxeen Ciidanka PSF oo ka gadooday xilka qaadis lagu sameeyay Agaasimahoodii.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa bilaabeen howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga, isla markaana dhamaan ay isku fidiyeen Xeryaha Ciidamada ee degaanka Sugurre ee Gobolka Bari.

Degaanka ay Ciidamada Daraawiishta Pungland la wareegeen ee Degaanka Sugurre oo ka tirsan buuraleyda Golis waxaa saldhig weyn ku lahaa Ciidanka PSF oo halkaas ka fulin jiray weeraro lagu beegsado dagaallamayaasha Al-Shabaab.






Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment