Booliska Uganda oo wadaad Muslim ah ku dilay duleedka Magaalada Kambala

Bulsha:- Booliska Uganda ayaa toogasho ku dilay wadaad Muslim ah oo lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay koox hubeysan oo lala xiriirinayo qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay Kampala.

Saraakiisha ayaa sheegay in Sheekh Muhamad Abbas Kirevu uu shaqaaleysiiyay unugyo ay maamulaan kooxda Allied Democratic Forces (ADF), kuwaasoo sheegtay in ay daacad u yihiin kooxda isku magacawday dowladda Islaamiga ah.

Wadaadka waxaa lagu dilay meel ka baxsan magaalada Kampala.

Waxaa sidoo kale ay booliska ku raad joogaan wadaad kale oo lagu magacaabo Sheekh Suleymaan Nsubuga, kaasoo lagu eedeeyay inuu sameeyay tababarro la xiriira wax ay dowladda ku tilmaamtay argagixisanimada, dadka xagjireynta loo qorayo, iyo bixinta agabka lagu sameeyo walxaha qarxa.


Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay weerarkii qaraxa ahaa ee ka dhacay bartamaha magaalada Kampala todobaadkan in ka badan 30 kalena wey ku dhaawacantay weerarka, oo IS ay sheegtay in ay ka dambeysay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment