Xiisadda Sacuudi Carabiya iyo Lubnaan oo weji cusub yeelatay iyo dalal ku biiray

Bulsha:- Imaaraadka Carabta ayaa Sabtidii u yeertay diblomaasiyiinteeda Beirut ayada oo “garab istaag” u muujineysa Sacuudi Carabiya kadib markii wasiir reer Lubnaan ah uu cambaareeyey howlgalka Riyadh ay hoggaamiso ee Yemen.

Murankan, oo sidoo kale dhaliyey in Sacuudiga ay mamnuucaan badeecadaha looga soo dhoofiyo Lubnaan, iyo in Kuwait iyo Bahrain ay u yeertaan safiiradooda, ayaa dhabarjab weyn ku ah dal markii horeba wajahayey burbur dhaqaale.

Lubnaan ayaa isku haleyneysay kaalmo maaliyadeed oo ay ka hesho dalalka Khaliijka si ay u badbaadiso dhaqaalaheeda.

“Imaaraadka Carabta waxay ku dhowaaqeysa lasoo bixitaanka diblomaasiyiinteeda Lubnaan si ay taageero ugu muujiso dowlad aan walaalaha nahay ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kadib hadalkii aan la aqbali karin ee saraakiisha Lubnaan ee ku wajahnaa Sacuudi Carabiya,” ayey wasaaradda arrimaha dibedda ku tiri war-saxaafadeed ay soo saartay.

Muwaadiniinta Imaaraadka ayaa sidoo kale laga mamnuucay inay u safraan Lubnaan.

Xiisaddan ayaa qaraxday markii Sacuudiga ay u yeerteen safiirkooda Lubnaan, kuna amreen kan Lubnaan inuu dalka uga baxo 48 saac gudahood.

Saacado kadib Bahrain ayaa ku xigsatay, ayada oo sidoo kalena Lubnaan ay Sabtidii ku dhowaaqday tallaabo taas la mid ah.

Xiisadda ayaa ka dhalatay wareysi toddobaadkii tegay lasii daayey oo wasiirka warfaafinta Lubnaan George Kordahi uu ku cambaareeyey howlgalka militari ee Sacuudiga uu hoggaamiyo ee Yemen.

Hadallan oo la duubay bishii August hase yeeshee lasii daayey Isniintii tegtay, ayaa Kordahi wuxuu dagaalka toddobada sano socda ee Yemen ugu yeeray “mid macno-darro ah”, wuxuuna sheegay in “la joogo watqigii lasoo geba-gebeyn lahaa.”


Waxa uu sheegay in mucaaradka Xuutiyiinta Yemen “ay naftooda ka difaacayaan gardarro uga timid dibedda,” isaga oo intaas ku daray “in guryo, tacsiyo iyo xaflado meher ay duqeeyaan” isbaheysiga Sacuudiga.

AFP + VOA










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment