Wasiirkii hore FIQI oo weerar ku qaaday Farmaajo – Dhiigga dadka ayuu fasaxay in la daadiyo

Bulsha:-  Wasiirkii hore ee amniga dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo ka falceliyey dikreetada uu soo saaray madaxweynaha, kuna joojiyey dhismaha dhulalka danta guud ayaa su’aallo ka keenay xeerka madaxweynaha, isaga oo soo qaadanayo dagaalkii khasaaraha badan dhaliyey ee Guriceel.

Fiqi ayaa sheegay in xeerka uu soo saaray madaxweynaha uu yahay mid wanaagsan, balse wuxuu ku eedeeyey inuu fasaxay dhiigga dadkii ku dhintay & kuwii ku dhaawacmay Guriceel.

“Oday Farmaajo dhulka xeer ayuu ka soo saaray waana arrin fiican laakin dhiigga dadka ee uu fasaxay in la daadiyo ayadoo la adeegsanayo ciidamadii qaranku wada lahaa see laga yeelayaa?,” ayuu qoraal soo saaray ku yiri siyaasiga caanka ah ee Axmed Macalin Fiqi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tallaabada Farmaajo qaaday ee xagga dhulka danta guud ay muujineyso inuu ka tegayo dal oo uusan ka tageyn dad, siduu hadalka u dhigay.



“Mase og yahay ama la socdaa dadka iyo dhulka dawladda midka qiimo badan!? Asagoo dad ka badan 200 qof dhimashadooda iyo dhaawacooda oo ciidamada qaranka iyo saraakiishoodu ay ku jiraan sabab u ahaa maantay in uu dhul dawlo wareegto ka soo saaro sow ruwaayadii dal baan ka tagayaa ee dad kama tagayo ee aan kol hore daawanayey dib nooguma daarin!?,” ayuu markale sii raaciyey qoraalka uu soo saaray Axmed Macalin Fiqi.




Axmed Macalin Fiqi oo siyaasad ahaan si weyn u mucaarado Farmaajo ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeday duukaankii lagu qaaday Ahlu Sunna.

Si kastaba, hadalkan ayaa daba socda dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ku mamnuucay ku takri-falka iyo musuq maasuqa dhulalka danta guud ee xilligaan uu uu dalku aaday doorasho.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment