Taliska ciidamada AMISOM oo ka jawaabtay eedeyntii AHLU SUNNA

Bulsha:-  Taliska ciidamada AMISOM ayaa si rasmi ah ugu jawaabay hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca oo dhowaan ku eedeeyey inay ka qeyb-qaateen dagaalladii cuslaa ee ka dhacay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

AMISOM ayaa marka hore waxba kama jiraan ku tilmaamtay eedeynta kasoo yeertay Ahlu Sunna Waljamaaca, iyada oo beenisay in ciidamadeeda ay ka dagaalameen Guriceel.

Sidoo kale AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka eedeyntaas ay tahay mid lagu doonayo in la’isaga horkeeno ciidamada AMISOM iyo bulshada Soomaaliyeed.

“Eedeymahan ayaa ah been abuur , sun iyo kuwo xaasidnimo, oo si bareer ah loogu tala galay in mad-madoow lagu dhex geliyo AMISOM iyo Soomaalida,” ayey tiri AMISOM.

Sidoo kale waxa ay intaasi sii raacisay “Howlgalada AMISOM oo ay ku jiraan hawlgalada Milatari iyo taageerada Ciidanka dowladda, waxaa haga waajibaadka ay bixiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana wax lagu fuliyaa in si adag loo dhawraa howlgalada iyo Xeerarka Hawlgelinta,”.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in AMISOM ay Soomaaliya u joogto kaliya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo inay caawiyaan ciidanka dowladda.

Ugu dambeyn taliska AMISOM ayaa xusay inay xoojin doonaan waajibaadka loo igmaday, isla-markaana ay ka shaqeynayaan ammaanka Dhuusamareeb & doorashada ka dhaceysa.

Hadalkan ka soo yeeray AMISOM ayaa kus oo aadaya, iyada Ahlu Sunna oo haatan isaga baxday Guriceel ay ku eedeysay ciidamada Midowga Afrika inay taagaareen ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda, isla-markaana ay siiyeen hub fara badan iyo gaadiid dagaal.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment