Abuurida Xasuusaha Aan Abid Lumeynin! Lamaanaha qaar ayaa ku wareersan sida ay jago aad u balaaran kaga sameysan lahayeen dhigooda ama

Bulsha:-  Lamaanaha qaar ayaa ku wareersan sida ay jago aad u balaaran kaga sameysan lahayeen dhigooda ama qofka ay jecelyihiin, ugu horeyn waxaa muhiima in marka hore qofka aad dooneyso inuusan sina kaama maarmin aad u dabacsanaato una dhaqanto qodobadaan soo socda:

 

1- QORAAL FARIIMEED:

Dadka inta badan ma oga in saameyn gaar ah ay leeyihiin fariimaha sababtoo ah waa isha kale ee buuxisa markuu qofka ka maqan yahay lamaanihiisa waayo wuxuu dib u milicsanayaa hadaladi quruxda badnaa ee dhex maray dhexdooda.

 

2- FARXAD ABUURID:

Inta badan maskaxda ama qalbiga bini’aadanka waxaan sinaba uga baxayn qof abaal u galay waayo Adigoo murugo ku jira qofki farxad kusiiya abid ma ilaabi doontid.

 

3- HADALO SOOCID:

Qofka laabtu ay muhaneyso inaad kula hadashaa hadalada dadka caadiga ah aad kula hadashid waxba xasuus ah ma dhalineyso lakin hadii aad mar waliba tahay qof ku fakara in hadalo uusan qofka waligii maqlin inuu u sheego ayadana waxey dhalineysaa in lamaanahaga markuu wajigaada arko ku farxo.


 

4- DAREEN:

Tusi oo dareensii in qofkaan adiga kuu yahay qof qaas ah aadan cidna la simayn adigoo mar waliba fariin uga dhigaya dareen , kaasoo ah mid wata kalgacayl iyo xiiso, aadna aad u daneyneyso in mar waliba ay faraxsanaato/do.

 

5- RAJO UMUUJIN:

Umuuji rajo ah in nolosha aysan ku koobneyn mudo gaaba balse ay tahay mid aad u qurux badan ayada/asiga laga rabo inuu ka dhabeeyo/beyso.

 

6- KA DHINAC MUUQASHO:

Mar waxaa jirta qofka uu ubaahan yahay wehel, kaasoo ah mid uu doonayo inuu garabkiisa ku jiifsado ayadoo aysan wax murugo ama ciil ah jirin sababta waa tabid ama muhasho uu qofka qalbigiisa kasoo go’ayso.

 

Ruuxi adiga intaas kaa hela oo wanaag iyo Kalgaceyl ah sidee buu kugu ilaabaya? muusan qofku laheyn beer ama maskax fakarta? Hadii intaan qodob aad ku saleyso jaceylkaada wuxuu noqon doonaa mid marwaliba ku dhisan xusuus aan abid la iloobi doonin.

 

W/Q: Abdirahman










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment