Wararkii ugu dambeeyay Al-Shabaab oo La Wareegay Deegaan Ku Dhow Boosaaso

Bulsha:- Wararka aan ka heleyno Gobolka Bari gaar ahaan deegaan hoostaga Magaalada Boosaaso ee Gobolkaas ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi saakay ay isaga baxeen Ciidamada maamulka Puntland ee ku sugnaa.

Deegaanka Af Urur oo hoostaga Boosaaso ayaa waxaa gebi ahaanba isaga baxay Ciidamadii Puntland,isla markaana waxaa durbo la wareegay dagaalamayaasha Al-shabaab oo ku sugnaa meel ku dhow deegaankaas.

War qoraal oo lagu daabacay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ku sheegeen in wax  dagaalka ah uusan ka dhicin,isla markaana ay la wareegeen gacan ku heysnta deegaanka ,kadib markii ay ka baxeen Ciidanka kuwa Puntland.

Dhinaca kale waxaa lagu waramayaa in Ciidamadii isaga baxay deegaanka Af Urur oo ah deegaan istiraatiiji ah ay u dhaqaaqeen dhinaca degmada Carmo ee Gobolka Bari,la mana oga sababta ay uga baxeen halkaasi.
Weli ma jiro wax war ka soo baxay maamulka Puntland oo ku aadan la wareegitaanka Al-shabaab deegaanka Af Urur oo hoostaga Magaalada Boosaaso iyo ka bixitaanka Ciidankooda deegaankaas.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment