Xarunta Xalane oo digniin laga soo saaray -Weeraro iyo qaraxyo kale oo ku soo wajahan Muqdisho

Bulsha:-   Digniino hor leh oo dhanka amaanka ah ayaa saacadihii la soo dhaafay laga soo saaray xafiisyada hey’adaha amaanka ee ku sugan Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Xogta la helay oo ay baahiyeen hey’adaha Sirdoonka ee ajnabiga ah ayaa sheegaysa in ay suurta gal tahay in Al-Shabaab ay weeraro ku qaadan dhowr meel oo target u ah sida lagu sheegay warbixinta ay shaaciyeen Sirdoonka ku sugan Xalane.

Weerarada ayaa la sheegay in ay isugu jiri karaan, Qaraxyo dagaal toos ah waana laga yaabaa in ay noqdaan Qarax oo kaliya ayaa lagu yiri xogtaan laga helay Xalane.

Meelaha ay Suurta-galka tahay in ay ka dhacaan weeraradaan ayaa la sheegay in ay kamid yihiin baro kantarool iyo Goobo Ganacsi oo ku yaala agagaarka KM4 iyo Sidoo kale waxaa kamid ah Gooba kale oo ganacsi ah kuna yaala agagaarka Airport-ka Muqdisho sida lagu sheegay xogta laga helay Xalane.

Hay’adaha qoraalkaan baahiyay ayaa sidoo kale sheegay in ay suurtagal tahay in weerarada lagu qaado Xalane iyo Saldhigyada kale AMISOM iyo hey’adaha Ajnabiga ah.

Arrintan ayaa hoggaamisay in shalay shaqaalaha Soomaalida ah ee ka dhex shaqeeya xarunta Xalane loo diiday inay xarunta galaan, taasi oo qeyb ka ahayd ammaanka oo la adkeeyey. Halakn ka aqri warkaas.
Digniintaan cusub ayaa soo baxaysa iyadoo ay xiran yihiin inta badan Wadooyinka magaalada Muqdisho, Dowladda Soomaaliya-na ay ku dhawaaqday howgal ka dhan ah Al-Shabaab oo laga sameeyo Xaafadaha magaalada Muqdisho.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment