Shariif Roobow “Kheyre sida uu u jawaabay ayaa xiisadda ciidamada kicisay mana laga fileyn”

Bulsha:-  Shariif Roobow oo ah Khabiir dhanka amaanka ah ayaa ka hadlay gadoodkii maalmihii ugu dambeeyay ay sameynayeen ciidamada xooga dalka, kuwaasi oo saldhigyo badan kasoo baxay.

Isaga oo ka hadlayay barnaamij DOOD Wadaag ah ayuu sheegay in ciidamada xooga dalka ay muujiyeen cabashooyin kala duwan ka hor inta aysan sameyn gadoodka, sida uu sheegayna waxaa muuqata in la iska indha tiray cabashadoodii hore.

Sidoo kale Shariif Roobow ayaa sheegay in ciidamada ay kasii caroodeen hadalkii kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha dalka, isaga oo cadeeyay inay habooneyd in madaxweynaha dalka u ka hadlo.

“Waxaa kasii darnaa xaalka taagnaa ereyadii ay dowladda kaga jawaabtay oo ah in ciidankaasi uusan diiwanka ku jirin, Ciidanka mushaar ayay qaadan jireen, haddii uusan diiwan gashaneyn qaab ayaa mushaar loo siin jiray, laakiin sida loogu jawaabay ma aheyn sida habooneyd”.

“Kuwii Dhanaane kasoo baxay xitaa waxay sheegeen in Account-yo lahaayeen oo lacag ay qaadan jireen, dowladda waxaa wanaagsan in wax walbaa oo dhacaa runta ay ka sheegto, balse ma ahan in sidii ra’iisul wasaaraha uu u jawaabay inay u hadlaan”ayuu yiri Shariif Roobow.
Ciidamada dhawaan sameeyay gadoodka ayaa ka cabanayay mushaar la’aan qabsatay muddo afar bilood ah, waxaana markii dambe degmada Balcad kula kulmay wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo laga diray magaalada Muqdisho.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment