Gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lala damacsanaa Buundada Baar Sanguuni oo la qabtay (Sawiro)

Bulsha:- Wararka ka imaanaya deegaanka Baar Sanguuni ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Jubbaland ay gacanta ku dhinteen gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay qabteen gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa oo la doonay in lagu burburiyo buundada deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in gaarigaasi loo ekeysiiyay kuwa aanay xabada karin, iyada oo la doonayay in lagu kala jaro buundada deegaanka Baar Sanguuni si ciidamada Jubbaland aysan u helin gurmad.

Arinta ayaa timid kadib markii ciidamada AL shabaab ay saaka weerar ku qaadeen saldhiga deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.
Al shabaab ayaa weerar kubilowday Qarax ka geystay deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment