DEG DEG:- Waxaa Duqeyn Lagu Burburiyey Raadiyaha Al-shabaab Ee Andolus

Bulsha:- Warbaahinta dowladda federaalka ah gaar ahaan Radio Muqdisho ayaa daabacay in magaalada Jilib ee Gobalka Jubbada dhexe lagu burburiyey raadiyaha Al-shabaab ee Andolus, ka dib duqayn xoog leh oo xalay ka dhacday magaaladaasi.

Duqayntan ayey sheegtay in lagu bartilmaameedsaday xarumo dhowr ah oo Al-Shabaab ah, iyada oo si gaar ah loo duqeeyey Raadiyaha Andolus.

Warbixinta Radio Muqdisho waxaa lagu xusay in shaqaale ka tirsan Raadiyaha Andolus ay ku jireen gudaha xilliga la bartilmaameedsaday, Jibril ayaa ka mid aha dadka halkaasi ku dhaawacmay.
Bulsha news uma suuro-gelin inay si madaxbannaan u xaqiijiso warkan ku saabsan duqeynta ka dhacday magaalada Jilib.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment