Xog:- Wararkii ugu dambeeyey Kalkaalisada Jarmalka ah ee Muqdisho lagu afduubtay

Bulsha:-   Haweeney u dhalatay Jarmalka oo ah kalkaaliso caafimaad oo u shaqeyneysay Hay’adda ICRC, lagna afduubtay xarunta ururkaasi ee magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin dheeraad laga helay.

Haweeneydan ayaa lagu magacaabaa Sonja Nientiet, waxayna Hay’adda ICRC u shaqeyneysay ilaa sanadkii 2014, waxayna kasoo shaqeysay dalalka qalalaasaha ka jiraan sida Syria iyo the Democratic Republic of Congo.



Toddobaadkan oo ay magaalada Muqdisho timid ayaa la sheegay inay tababar ku saabsan gargaarka degdega ah siineysay Shaqaalaha Soomaaliya ah, waxayna sidoo kale caawineysay bukaanada isbitaalada iyo xarumaha caafimaadka.
Wasiirak Arrimaha dibadda Germany Heiko Maas ayaa ka sheegayay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya in dowladda Germany aysan wax faahfaahin ah ka bixineynin afduubka lagu kacay muwaadinka Jarmalka ah.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment