Ninkeeda ayay xambaartay Qisada jacaylka lamaanaha dhabta ah

Bulsha:- Marwo Hiba ayaa waxay haysaa saygeeda oo aanay da’diisu aad u weynayn, balse qaba cuduro dhawr ah, sidoo kalena waxaan si fiican u shaqayn kelyihiisa waxaanay toddobaadkii saddex jeer geysaa cisbitaalka si loo soo meyro ama loogu dhaqo kelyaha.

Haddaba shabakada Al-arabia ayaa wareysi ay la yeelatay haweenaydan waxay ku sheegtay in ninkeedu uu taksiile ahaan jiray, laakiin xanuunka hayaa uu ku dhacay Sannadkii 2012-kii xilligaasi kadibna waxay sheegtay inay shaqo bilawday oo ay iyadu dabarto masaariifta reerkeeda iyo saygeeda bukaanka ah.

Hiba ayaa waxay sheegtay in saygeedu isagoo ka murageysan xaalada caafimaad daro ee haysa iyo daruufaha adag ee la soo gudboonaaday uu usoo bandhigay in ay warqadeeda ka qaadato oo ay kala tagaan, laakiin ay hibo diiday in sidaasi yeesho, waxa aanay sheegtay inay ku qanacsantahay xaaladda nololeed ee ay ku jirto wax kasta oo dunidan ka dhacaana ay gacanta ILLAAHAY SUBXAANA WATACAALAA Ku jiraan.

Dhacdadan waxaa laga baran karaa in qadarinta iyo isku damqashada ka dhexaysa lammaanaha nolosha waddaaga ay tusaale u noqon karaan garab istaaga ay is garab istaagaan marka midkood ay dhibaato soo waajahdo.
Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment