Muuqaal: Ciidamadii Qabsaday Xarunta Baarlamaanka oo Xabsiga lasoo dhigay

Bulsha:- Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/wali Jaamac Gorod ayaa shaaciyey in ciidamaddii milateriga ahaa eehubka la galay Xarunta Golaha Shacabka intooda badan la soo xidhay.

Gorod ayaa sheegay iney bilowdeen baaritaano lagu sameynayo ciidankaas, kuwaasoo ay wadaan ciidamada amaanka.

Taliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada Xoogga dalka ay ku raad joogaan Ciidan dhar cad ah oo la socday Ciidanka gudaha u galay xarunta golaha Shacabka.

“Dabagalka ciidankii maanta galay golaha shacabka waa socdaa, askartii dareyska milateriga watay dhamaantood waa la soo qabtay, baaritaan baana ku socda, waxaan hadda raad kooda ku joognaa ciidankii dharcadka ahaa” ayuu yiri taliye Gorod.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment