“Maxamad Salaax wuxuu ku dayasho wanaagsan u yahay muslimiinta sida aniga oo kale”

Bulsha:-  ‘Maxammad Salaax ! horay u soco! horay u soco!

Waxaan maqlay qaylidan xilliggii cayaryahan Maxamed Salaax uu goolal ka dhaliyay kooxda Roma habeenkii Talaadada ahayd cayaartii nus dhammaadka ahayd.

Carruurtayda oo kala Xanna oo 8 sano jir iyo Maxammad oo 6 sano jir ah ayaa si dhaw ula socday una daawanayay cayaarta Muxammad Saalax si ay ugu dabbaal-deggaan guushii ay gaartay kooxdiisa.

Soo shaac bixidda boqorka reer Masar ee u dheelo kooxda Liverpool ayaaa si wayn looga dareemay dalkayga iyo dhammaan dunida.

Cayaar wanaagga Maxamed Salaax waxay midaynaysaa bulshooyinka.

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray bariga magaalada London,qoyskayga waxay kasoo guureen dalalka Yemen iyo Burma.

Weliggay ma garwaaqsanin hiloowga aan u qabo dalkii aan kasoo jeeday.

Waxaan maanta si wayn u ogyahay in carruurta kasoo jeedo qoowmiyadaha laga tiro-badan yahay inaysan hiloow iyagana u qabanin dalkoodi.

Markaasi la yaab ma leh ,marka carruurtan ku koray dalalka qurbaha ay ku faanaan cayaaryahan Maxamed Salaax.

Gabadhayda Xanna waxay si qiiro leh u daawata marka Maxamed Salaax uu gacmihiisa sare u qaado oo Illaahay baryayo marka uu dhaliyo gool.

Sida dhaqanka Islaamku yahay, Ragga waxay daystaan garka Maxammad waa sidaasi.

Marka aan arko canugayda lix jirka ah oo isku eegayo billaddayo isagoo ku anddacoonayo inuu qabo gar lamid ah midka Maxamed Salaax, si kale ayaan dareema.

Waxaan ku doodi kara inuu yahay Cayaaryahanka ugu wanaagsan adduunka oo idil xaadirkan.

Muxammad Saalax wuxuu isku keena dhammaan bulshooyinka islamarkaasna waan ku faraxsanahay.

Salaax waa Boqor
Heeso iyo rayrayn ayaa hareeysay dunida muslimka oo lagu xusayo guusha Salaax, Jeceyl iyo farxad ayay u muujinayaan.

Waddankiisa wuxuu ka yahay sidii Boqor.

Haddii uu u Cayaaro dalka Masaarida iyo kooxda liverpool waxay ka dhigantahay inuu midaynayo dalalka kala qaybsan ee dunida.

Anigoo ah haweeney Xijaaban,waxaa cajiib ah in haween xijaab aad ku aragto garoonka oo sito calanka Masar islamarkaana tageero Maxamed Salaax.

oddobaadyo yar ka hor, Xanna waxay timid guriga iyadoo walaacsan,sababto ah carruur da’deeda ayaa hadal hayay olole lagu weerarayo Muslimiinta 3 bisha April, Balse arrintaasi waxay ku reebtay cabsi.
Waxay nagu qaadatay maalmo dhowr ah in sharraxaad ka bixino sababtoo ah qoowmiyad laga tiro badan yahay oo aanan fahmaynin dadka muslimiinta inaysan dareemin farxadda Muxammad Saalax uusoo hoyiyay.

Markii la gaaray 3 Bishii April, Xanna dibbadda maysan aadin waayo way naxsanayd.

Way adagtahay in carruur sidaasi u yar aad ka saartid dareen cabsi?

Maxamad Salaax ‘Wuxuu baddelaya fikirkii laga aaminsana Muslimiinta’
Maxamed Salaax wuxuu fikrad wanaagsan ka gudbinaya bulshada Muslimiinta ah markii ugu horreysay. Muslimka ma aha wax lagu cabsi geliyo carruurta. Fikraddaasi waxaa ila qaba saaxibkayga oo aanan Muslim ahayn tageerana Kooxda Liverpool.

Waxaan ogahay in Muxammad Saalax uu yahay shakhsi isku keenayo dadka aaminsan diimaha kala duwan.

 Isha: BBC










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment