Madaxweynayaasha Turkiga Iyo Ruushka Oo Kawada Hadlay Duqeyntii Suuriya

Bulsha:- Madaxweynaha Turkiga Recep Deyyip Erdogan ayaa dhiggiisa Ruushka Vladmir Putin kula hadlay qadka telefoonka, waxayna kawada hadleen duqeynta Mareykanka, Faransiiska iyo UK ay ka geysteen gudaha Suuriya ayna uga soo horjeedeen nidaamka Bishaar AL-asad.

Labada dhinac ayaa hoosta ka xariiqay in lagama maarmaan ay tahay in la dajiyo xaaladda kacsan ee gobolka, beesha caalamkana ay iska kaashato sidii loo  xallin lahaa Khilaafka Suuriya.

Sabtidii ayey aheyd markii ay sheegeen Mareykanka, Faransiiska iyo UK in duqeyn saddex geesood ah ay la beegsadeen saldhigyo Millatari oo ay lahaayeen ciidamada Suuriya, waxay tilmaameen in ay jawaab u tahay weerarkii Kiimikada uu Nidaamka Suuriya uu ku garaacay magaalada Douma ayna ku dhinteen dad badan oo Shacab ah.

Goobjoog News









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment