Haweeney ka been sheegtay Caafimaadkeeda oo xukun lagu riday

Bulsha:- Haweeney lagu magacaabo Hanna Dickenson oo 24 jir una dhalatay Dalka Australia ayaa wajahday dacwad la xariirta in ay ka been sheegtay caafimaadkeeda kuna heshay dhaqaale aad u badan.

Maxkamada Melbourne Magistrates ayaa sadex bilood oo xabsi ah ku xukuntay Hanna Dickenson oo eheladeeda iyo asxaabteeda u sheegtay in uu hayo cudurka Kansarka sidaasna dhaqaale badan uga heshay.

Hanna Dickenson ayaa eheladeeda iyo asxaabteeda u sheegtay in uu hayo cudurka halista ah ee Kansarka, waxa ayna ka qaadatay lacag dhan 31,000 kun oo Dollar ay sheegtay in caafimaad dalka dibadiisa u aadeyso.



Ehelada , asxaabta iyo dad kale oo deeq bixiyaal ah ayaa lacago kala duwan ugu deeqay gabadhan sheegtay in ay qabto cudurka Kansarka ah, waxaana lacagtii badnaa ee heshay uga baxday dalxiis iyo tamashleyn.

Garsooraha Maxkamada Melbourne Magistrates ayaa sheegay in qiyaanada gabadhan ku kacday ay tahay mid niyad jab iyo naceyb laga dhaxli karo ,waxa uuna Garsooraha gabadhan ku xukumay in xabsiga ku qaadato maudo sadex bilood ah.
Hanna Dickenson ayaana Maxkamada ka hor qiratay dambiga lagu soo oogay ee ahaa in caafimaadkeeda ka been sheegtay kuna heshay dhaqaalo badan, waxa ayna codsatay in la cafiyo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment