Dowladda Imaaraadka oo dacwad ka gudbisay dowladda Somalia

Bulsha:-    Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowlada Isutaga Imaaraadka Carabta ay dacwad adag ka gudbisay Dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Dacwadaan ayaa la sheegay in Dowlada Isutaga Imaaraadka ay u gudbisay Hoggaanka sare ee Jaamacadda Carabta.

Dacwada ay gudbisay Dowlada Imaaraadka ayaa la xaqiijiyay inay ku saleysan tahay Khilaaf Siyaasadeedka ka dhex aloosan labada dal, gaar ahaan lacagta looga qabsaday magaalada Muqdisho.

Dacwada ayaa xoogeeda la sheegay inay tahay mid ay dowlada Imaaraadka kaga dacwooneyso dowlada Somalia, oo ay sheegtay inay ku xadgudubtay xeerarka caalamiga ah ee diblomaasiyadda.

Warqadaha Dacwada Imaaraadka ayaa sidoo kale la sheegay inay qeyb ka tahay in Dowlada Somalia ay caqabad ku tahay heshiisyadii diblomaasiyeed ee labada dhinnac ay galeen, iyo sidoo kale heshiiska dekedda Berbera.

Waxyaabaha ay ka dacwoodeen Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ka mid ah lacagtii dhawaan lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo ay sheegen in aan si wanaagsan loola dhaqmin shaqaalaha diyaarada iyo mas’uuliyiinta Muqdisho ujooga.
Si kastaba ha ahaatee, dacwada ay Imaaraadka u gudbisay Jaamacada Carabta, ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan ay Dowlada Somalia dacwaad ka dhan ah Imaaraadka iyana ay u gudisay Jaamacadda Carabta.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment