Xil. Khadiijo Diiriye oo sii ololisay xiisada ka dhalatay Mooshinka Jawaari ‘’Jawaari codka 184 Xildhibaan ayuu ku baxaa’’

Bulsha:-  Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Somalia, ahna Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa weerar afka ah ku qaaday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa sheegtay in Xildhibaanada baarlamaanka aysan Guddoomiye Jawaari ka aqbali doonin in la arbusho Mooshinka.

Khadiijo Maxamed Diiriye, oo goobjoog ka aheyd kulan ay yeesheen xildhibaanadii Mooshinka ka gudbiyay Jawaari ayaa sheegtay in mooshinkaas aan laga laaban karin ilaa baarlamaanka la horgeeyo,halkaasna lagu kala bixi doono.

‘’Waxaan kasoo horjeednaa in nalagu mashquuliyo Mooshin ka laabasho, waxaan halkaan ka qireynaa inaan laga laabankarin Mooshinka ilaa laga horgeeyo baarlamaanka’’

Khadiijo Maxamed Diiriye, waxa ay tilmaantay in xitaa Guddoomiye Jawaari uu waxbadan ku weynkaro haddii uu ka meermeero Mooshinka, waxa ayna soo jeedisay inuu soo dadajiyo in loo qaado codka ama uu ogolaado is casilaad.

‘’Mooshinka laga gudbiyay Gudoomiye Jawaari yuusan u muuqan in laga baxay, haddii uu kusii dhago adeego waxa ay dhibaato u keeneysaa karaamadiisa,aqoontiisa,laakin mooshinkaan uusan noqon doonin mid banaanka looga baxo’’

Waxa ay Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye intaa ku dartay “Xaqiiqdii 184 xildhibaan hadii uu mooshinkan gaari waayo Jawaari waa gudoomiyaha Golaha Shacabka, laakin hadii uu gaaro waa wax cad,waxaana idin sheegayaa in mudo 15 cisho ah gudahood ay ku soo dooran doonaan Gudoomiye Baarlamaan’’

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sidoo kale sheegtay in Guddiyada joogtada Golaha shacabka ay ku tunteen sharciga dalka, isla markaana ay hareer mareen dastuurka iyagoo aan dhex dhexaad ka aheyn Mooshinka.
Dhinaca kale, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa Guddoomiye Jawaari ugu baaqday inuu qaato go’aan geesinimo leh ka hor inta aan lagu bahdilin baarlamaanka hortiisa.








Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment