Somalia oo ka qeybgashay bandhiga Dhaqanka oo lagu qabtay dalka Masar

Bulsha:- Waxaa Todobaadkan magaalada Qaahira ee dalka Masar lagu soo gaba-gabeeyay bandhigga dhaqannada Aradyda wax ka barata Dalkaasi oo ay Soomaalidana qayb ka tahay.

Arday ka kala socota dhowr iyo Labaatan dal oo Bandhiggaasi ka qayb gashay ayaa waxaa si weyn ugu dhex muuqatay Ardayda Soomaaliyeed oo halkaasi ku soo bandhigay ciyaaro Hiddo iyo dhaqan ah, Dhar, Cunto iyo Alaabada laga adeegsado Miyiga iyo Magaalooyinka Soomaaliyeed.

Dhallinyaro ku lebbisan islamarkaan lulaya calanka Soomaaliya ayaa goobta wacdaro ka muujiyay, iyadoo qiimeeyn la sameeyayna ay Soomaalidu ka gashay kaalimaha ugu horreeya bandhig dhaqameedka ka dhacay Qaahira.

Bandhiggan oo ka dhacay Jaamacadaha 6da October iyo Qaahira ayaa waxaa u soo daawasho tagay Kumanaan Dad ah oo isugu jira, Safiirro kala duwan iyo Arday , kuwaasoo aad ula dhacay bandhig dhaqameedka, gaar ahaan wacdaraha ay muujiyeen Ardayda Soomaaliyeed.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Masar Amb; C/qani Maxamed Wacays iyo u qaybsanaha waxbarashada Maxamuud Gawgawle, oo munaasabaddaasi goob joog ka ahaan ayaa waxay bogaadiyeen kaalinta ay ka qaateen Bandhig dhaqameedka Ardayda Soomaaliyeed, waxanay kula dardaarmeen inay halkaasi kasii wadaan dedaalkooda.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:



Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment