MUUQAAL: Sucuudiga oo ku Hanjabay inuu Sameysaneyso hubka Nukliyeerka

Bulsha:- Sacuudiga ayaa ku goodisay inay samaysan doonto hub nukliyeer ah haddii Iiraan oo ay gobolka isku hayaan ay samaysato hubkaas.

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa warbaahinta Maraykanka laga leeyahay ee CBS News u sheegay in dalkiisu uusan rabin inuu samaysto Nukliyer.

“Shaki kuma jiro haddii ay Iiraan samaysato bam Nukliyeer ah in markaas anaguna aan sidaasoo kale yeeli doono waliba sida ugu dhakhsaha badan”. ayuu yiri Amiir Maxamed.

Iiraan ayaa xaddiday barnaamijkeeda Nukliyeerka sannadkii 2015kii, ka dib markii ay heshiis la gashay qaar ka mid ah dalalka ugu ugu awoodda wayn caalamka – balse madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku goodiyay in uu heshiiskaas ka bixi doono.

Sacuudi Carabiya iyo Iiraan ayaa wakhti dheer isku hayay Bariga Dhexe iyaga oo kala hoggaamiya Sunniyiinta iyo Shiicada, sida taariikhda lagu hayana waxay kala taageeri jireen dhinacyada isku qabta gobolkaas.
Sannadihii dambana waxaa sii xoogaystay xiisadda u dhaxaysa tan iyo wixii kadambeeyay dagaaladdii ka billawday Suuriya iyo Yemen.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment