Madaxweynaha JFS oo la kulmay Sanatar ka tirsan Aqalka Odayaasha ee dalka Maraykanka

Bulsha:-  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta la kulmay Sanator Jeff Merkely oo ka tirsan Aqalka Odayaasha ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha iyo Sanatarka ayaa ka wadahadlay arrimaha bini’aadannimada ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Sanatar Jeff Merkely ayaa Madaxweyne Farmaajo u muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in Soomaaliya markale ay dowladnimadeedii soo noqoto, isagoona ku boggaadiyey dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha dadaalka badan ay ku bixinayo sidii loo soo celin lahaa ammaanka guud ee dalka.

Jeff Merkely waxa kale oo uu Dowladda ku ammaanay hufnaanta dhaqaalaha isaga oo tusaale usoo qaatay warbixinta hey’adda Lacagta aduunka iyo Bankiga ay ka qoreen hanaanka maaliyadeed ee dalka, waxa uuna sheegay in ay tahay wax lagu farxo dadaalka ay dowladdu muujisay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya lagu garab siiyo dagaalka ay kula jirto argagixisada Alshabaab, taas oo furo u ah horumarka iyo xasilloonida dalka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment