Galmudug Oo Yeelatay Ku Dhowaad 200 Oo Xildhibaan

Bulsha:-  Sida uu qabay heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna waxaa la isku daray baarlamaannada labada dhinac kuwaas oo tiro ahaan gaaraya 195, sidaasi waxaa  Goobjoog News u sheegay  ilo xog-ogaal ah.

Tirada uu hadda u taagan yahay baarlamaanka Galmudug waa isku darka: 89 ka timid baarlamaankii Galmudug iyo 106 ka imaaneysa maamulka Ahlu-sunna, iyada oo tirada guud ahaan-doonto 195 Xildhibaan.

Marka laga soo tago fara-badnida tirada Xildhibaannada Galmudug, cabashada  ka jirta in ay ku jiraan Xildhibaanno ka soo jeeda maamullo kale, sida iyo qaabka loo maareynayo shirarka iyo kalfadhiyada baarlamaanka cusub, waxaa intaas dheer dhibaato la xiriirta halka looga keenayo mushaar iyo gunno joogta ah.

Baarlamaanka Galmudug oo bartamihii 2017-kii anisixyay in bishii gunno ahaan qaataan $1000 ayaa la sheegayaa in aanay muddo sanad helin wax mushaar .

Xildhibaan Garaad  Yusuf Maxamud  oo arrintan Goobjoog News kala hadlay waxaa uu sheegayaa in aan laga fakarin sidii loo dhisi lahaa hay’adaha, loona awood-siin lahaa shaqaalaha dowliga ah.

“ Waxaa muuqata in dhismaha baarlamaankan aan laga fiirin sidii Hay’adihii u shaqeyn lahaayeen,  oo xildhibaankana xuquuqdii u baahnaana u helo,”

In kasta oo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf  shalay sheegay in kalfadhiga baarlamaanka uu furan yahay, horayna loogu sheegay in Cadaado fadhi u noqoto,  hadana xildhibaannada qaar ma hubaan halka kulamada ka dhacayaan.
Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in maalmaha soo socda la qaban-doono xaflad lagu shaacinayo tirada guud ee baarlamaanka Galmudug, qaabka iyo farsamada loo dhameystirayo howlaha ka dhiman sidii Galmudug u yeelan laheyd hal maamul oo ka shaqeeya danta deegaanka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment