Daawo: Wasiir ka hadlay cabashooyin ka dhan ahaa Wasaaradiisa oo kala bar xal loo helay

Bulsha:- Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, ayaa si faahfaahsan uga hadlay cabashooyinka kaga imaanaya Gaadiidleyd iyo shacabka sameynaaya safarada.

Wasiir Oomaar oo wareysi gaar ah siinaayay Goobjoog ayaa sheegay inay jiraan cabashooyin badan oo ay ka helayaan shacabka ay Wasaarada u heyso addeega.

Waxa uu sheegay in cabashooyinka ugu badan ay kaga imaanayan Ganacsatada Gaadiidka, waxa uuna sheegay inay jiraan lacago badan oo uu qaado maamulka Gobolka Banaadir, taa oo keentay shaki badan.

Waxa uu sheegay in lacagahaasi uu qaado maamulka loogu tallo galay in loo isticmaalo sida dhismooyinka waddooyinka iyo howlo kale, hase ahaatee waxa uu carab dhabay in iminka la sameeyay xad lagu kala maareynaayo dhaqaalaha uu qaado maamulka Gobolka iyo kan Wasaarada.

Wasiir Oomaar, waxa uu sidoo kale tilmaamay in cabashooyin kuwaa lamid ah ay kaga imaadan shacabka sameynaaya duulimaadyada dibadda waxa uuna cadeeyay inay jiraan cabashooyin badan oo qeybo kamid ah la xaliyay.

Cabashooyinka qaar ayuu sheegay inay ku saleysnaayen dhibaatooyinka lagu hayo dadka da’da ah iyo carruurta dhowrka saac dhex fadhiya Garoonka kuwaa oo la balamiyo wakhti aanu munaasib aheyn, waxa uuna cadeeyay inay qafiifiyeen culeyskaas.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGA WASIIR OOMAAR









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment