Aqalka sare oo taageeray go’aankii dalka looga saaray DPWorld

Bulsha:- Kulan ay maanta isugu yimaadeen Xildhibaannada aqalka sare ee Soomaaliya ayey maanta ku taageereen go’aankii dhawaan golaha shacabka ay dalka uga mamnuuceen Sharikadda DPWorld.

Golaha aqalka sare ee dalka ayaa taageeray xeerkii ay meel mariyeen golaha shacabka ee dalka looga mamnuucay DPWorld.

36; XIldhibaan ayaa xaadirtay fadhiga aqalka sare ee maanta,iyada oo ay 28; Xildhibaan oggolaatay in dalka laga saaro DPWorld, 6; xildhibaan ayaa diiday halka 2; Xildhibaan ay ka aamuseen.

Xildhibaannada Golaha aqalka sare ayaa shalay ku kala qeybsamay arrintan hayeeshee kulan ay maanta isugu yimaadeen ayey ku aqbaleen go’aankaas.
DPWorld ayaa iyaduna maanta sheegtay in uusan quseyn go’aanka ka soo baxay golaha Shacabka Soomaaliya islamarkaana ay sii wadeyso mashaariicda ay ka fulineyso degaannada Somaliland.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment