Akhriso Xildhibaan Aadan Madoobe oo Guddoomiye JAWAARI usoo jeediyay ku dhaqaaqista 2 talaabo midkood

Bulsha:- Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku baaqay in si degdeg ah uu isku casilo Jawaari.

Xildhibaanada oo si wada jira Shir Jaraa’id u qabtay ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari uu dhexda uga jiro kiisas danbiyo ah oo aan laga difaaci Karin, sidaa aawgeed laga doonaayo inuu iscasilo.

Xildhibaanada oo siyaabo kala duwan uga hadlay, arrinta Jawaari, ayaa sheegay Mooshinka ay soo gudbiyeen inuu yahay mid waafaqsan sifaha sharciga ah ee dalka u yaallo eedeymaha ku qorana ay yihiin kuwa sax ah oo Gudoomiyaha lagu eedeeyay.

Xildhibaanada shirka Jaraa’id qabtay ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan Aadan Madoobe oo sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia dhexda kaga jiro kiisas danbiyo ah, isla markaana la doonaayo inuu iscasilo ama uu aqbalo codeyn degdeg ah.
Waxa uu Xildhibaan Aadan Madoobe sheegay inaan Jawaari laga aqbaleynin iskadaba wareeg iyo wakhti lumis, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay u furan tahay laba wado midkood inuu sameeyo.

Waa mida koowaad inuu ka sheego meel fagaare ah ku dhawaaqista iscasilaadiisa ku aadan inuusan sii ahaaneyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, maadaama Mooshin sharci ah laga keenay.

Mida labaad ayaa Xildhibaan Aadan Madoobe wuxuu ku sheegay inuu yahay in Gudoomiye Jawaari uu sugo inta codka kalsoonida ah looga qaadaayo, maadaama uu ku dhacaayo Gudoonka tiro codad ah oo gaaraya 184 Xildhibaan.

‘’Jawaari yuusan ka tagin haddal waxaan ka dooneynaa inuu iscasilo ama uu hor imaado baarlamaanka si loogu qaado codka kalsoonida, ma dhaceyso in sidaan leysaga daba jiitamo’’

Geesta kale, Xildhibaan Aadan Madoobe ayaa Guddoomiye Jawaari ku eedeeyay inuu ku tagrifalay Dastuurka Qaranka isla markaana howshiisa kusoo dhameeyay Mooshin iyo xaalado culus oo uu abuuro.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment