Waraysi: Xildhibaan Daahir Jeesow oo Siyaasiyiinta mucaaradka uga digay inay Lacago ka qaataan Dowlado Shisheeye

Bulsha:-    Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo weerarkii lagu qaaday guriga Senator Cabdi xasan Cawaale Qeybdiid.

Xildhibaanka  ayaa sheegay in Siyaasiyiinta mucaaradka ah looga baahan yahay in ay sheegaan dhaliilaha dowladda sida wasiirada iyo dadka kale ee Madaxda ah laakin mucaaradnimadu aysan noqon mid wax dumisa.

Waxa uu sheegay in mucaaradku aysan aheyn in ay noqdaan kuwo dowladdo shisheeye xiriir la sameeya,isla markaana lacago  ka soo qaata dalkana soo geliyo taas oo aan dan ugu jirin Shacabka Soomaaliyeed.


Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya looga baahan yahay in tallaabo kasta ay qaadayaan ay noqdaan kuwo dan ugu jirta Shacabka Soomaaliyeed laakin aysan ka aqbali doonin in dowladda iyo mucaaradkaba in ay sameeyaan waxyaabo dhibaato ku ah Shacabka.
Ugu dambeyn waxa uu soo hadal qaaday weerarkii lagu qaaday Hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid 30 Bishii December ee Sanadkii tegay ee 2017 in uu yahay wax laga xumaado,waxa uuna ka dalbaday in baarlamaanka soomaaliya ay gudi u saaraan isla markaana dowladaha Shisheeye ee lagu xamanayo hadii ay ku cadaato dalka laga saaro.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment