Ciidamada Masar oo Howlgalo ka bilaabay Sinaa iyo Nile Delta.

Bulsha:- Ciidamada Ammaanka Masar ayaa u ruqaansaday Deegaano ku dhaw Siinaa iyo Nile Delta oo ay ku sugan yihiin Kooxaha kasoo horjeeda Dowladda, weerarana ku qaada Ciidamada Ammaanka Masaarida.

Waxaa la arkayey Gawaarida dagaalka oo Subaxnimadii Jimcaha ka tagay Saldhigyo kala duwan, una jiheysan Deegaanada bartilmaameedka u ah ee ay ku sugan yihiin kooxaha kasoo horjeeda Dowladda.

War kasoo baxay Militariga Masar ayey ku sheegeen in qorshaha howlgalkooda uu kamid yahay qabsashada Waqooyiga iyo Bartamaha Sinai, iyagoo adeegsanaya Khibradahooda iyo Awoodoodana ay kusoo xeerin doonaan Galbeedka Dooxada Nile.

Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-Siisii ayaa Ciidamada ammaanka dalkaasi ugu baaqay in ay u tafa-xeetaan sidii ay ku xasilin lahaayeen Gobolka Siinaa oo ay ku sugan yihiin Kooxo Kasoo horjeeda Dowladda Masar, weerarana ku qaada Ciidamada Gobolka ku sugan.

16-kii Madaxweyne Al-Siisii ayaa ku baaqay in fogaan dhan 5KM laga sikiyo Kooxaha weerara Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Al-Cariisha oo dhacda Waqooyiga Masar.

Waxaana Axaddii Todobaadkaan Qarax ka dhacay isla Magaaladaasi ku nafwaayey 2-askari iyo 3 kaloo shacab ahaa, taasina waxay sababtay in Duulaankaan ay abaabulaan Ciidamada.
Madaxweynaha Masar ayaa Xaalad Deg deg ah galiyey Gobolka Siinaa oo dhaca Waqooyiga dalkaasi, sababta ayaa aheyd in ay kordheyn weerarada ay ka geysanayaan Kooxaha kasoo horjeeda Maamulka Madaxweyne Siisii.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment