Xog:- Billow illaa Dhammaad: Heerarka Uu Soo Maray Khilaafka Thabit iyo Madaxda DFS

Bulsha:- Thabit Cabdi oo ahaa shaqaalaha safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka, horayna u soo noqday Agaasime ku xigeenkii Villa Somalia ayaa April 6, 2017 waxaa uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo duqa Muqdisho.

3dii bil ee ugu horreysay waxaa aad u fiicnaa xiriirka guddoomiye Thabit iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, Thabit waxaa uu ka qeyb-geli jiray shirka khamiis kasta yeeshaan golaha wasiirrada halka ra’iisul wasaare Kheyrre uu si joogta ah u tagi jiray xarunta maamulka gobolka, xafladaha isla qaban-qaabin jireen, illaa markii dambe labada nin isku dhaceen.

Hadaba, Inta aanan ka hadlin isku dhaca ra’iisul wasaare Kheyre iyo guddoomiyaha gobolka Thabit  bal aan wax yar ka hadalno, waxyaabaha uu Thaabit Cabdi qabtay 9kii bil ee uu  xafiiska joogay.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo duqa Muqdisho Thabit Cabdi waxaa uu soo kordhiyay siyaasad maaliyadeed oo sax ah uu gobolka yeesho, sida halka ay maaliyadda gobolka marto, waxaa kale uu account u baddalay lacagtii mushaarka ee shaqaalaha gacanta ku qaadan jireen, tiiyoo keentay in hay’adaha deeqda bixiya ay mar kale aaminaan xafiiska gobolka Banaadir.

Hay’adda Bangiga Adduunka tusaale ahaan, waxaa ay maal-gelisay in muddo lix biloodna ah ay lacag siiso illaa kun dhallinyaro ah oo gobolka Banaadir shaqo abuur u sameeyay, waxaa kale oo jira mashaariic dib loogu howl-geliyay Iskuullo iyo goobo kale oo hay’ado kale lacagta bixiyeen.

Muddaddii uu Thaabit Cabdi guddoomiyaha ahaa waxaa la dhisay 4 waddo oo kala aha: 30-ka, Kaaraan, Kaahiye iyo Gen. Daa’uud, waxaa kale oo uu sameeyay daadejin maamul oo waxaa si fiican u shaqeyn jiray agaasimayeyaasha iyo degmooyinka gobolka Banaadir, waxaa intaas dheer mushaarka waxaa ay shaqaalaha u qaadan jireen si joogta ah.

Khilaafka Thaabit iyo dowladda Federaalka Ah:

Guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo duqa Muqdisho Thabit Cabdi  ma ahayn nin nasto, sababta shaqada looga ceyriyay qofba meel ayuu la aadi karaa sida khilaafka isaga iyo ra’iisul wasaaraha, lacagta dekadda, maqaamka Muqdisho, amniga gobolka, hankiisa siyaasadeed, xiriirkiisa mucaaradka ama xitaa arrimo dhul, laakiin waxaa xaqiiq ah in uu ahayn nin meel fadhiya.

Heerarka Khilaafka:

Lacagta Dekadda:  Guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo duqa Muqdisho Thabit Cabdi waxaa uu damcay madaxbannaani maamul iyo mid maaliyadeed in uu ka hirgeliyo gobolka, isaga oo marka hore golaha wasiirrada ka codsaday in la kordhiyo miisaaniyadda uu ka helo dekadda Muqdisho oo halkii ay ka ahayd 15% laga dhigo 25% taas oo isjiid-jiid badan gashay.

Maqaamka Muqdisho: Guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo duqa Muqdisho Thabit Cabdi oo ka hadlay furitaanka kalfadhigga 2aad ee golaha shacabka July 8, 2017 halkaasi uu joogay sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu yiri “Go’aanka Maqaamka magaalo madaxda Muqdisho iyo soo saarista sharciyadeeda gaarka ah waxa uu dusha u saaran yahay golaha shacabka xildhibaannada  sharafta leh ee maanta aan horjoogno, annaga waxa aan geed dheer iyo mid gaaban aan u fuushannahay in aan wadatashi baaxaad leh la yeelano, reer Muqdisho waa dad dulqaad badan oo jecel dowladda oo bixiya canshuurta waxa ay codsanayaan in gacan laga siiyo sidii ay u dhisan lahaayeen maqaamka dastuuriga ee loo oggolyahay magaalada madaxda Soomaalida” sidaasi ay tahay arrintaasi waa laga diiday in uu dhaqaajiyo, waxaana loo arkay nin awood raadis ah.

Amniga Banaadir: Thaabit oo xiganaya xeer NO 2 sanadkii 1963 ee sheegaya

in hay’adaha amniga gobolka ay hoos yimaadaan maamulka gobolka ayaa xukuumadda marar badan ka dal-baday in la hoos keeno ammaanka gobolka Banaadir isaga oo soo bandhigay barnaamij loo bixiyay “Isha Xaafadda”  oo booliiska iyo nabad-sugidda ay xog uga heli karaan shacabka Muqdisho tabbeelle, Waax, Xaafad ilaa Degmo, qorshahaasi waa laga diiday.

Damac Siyaasadeed:  Guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo duqa Muqdisho Thabit Cabdi waxaa uu waqti badan ku bixiyay in uu u muuqdo shakhsi qaban kara labada jago ee dalka ugu sarreysa, waxaa uu xiriir fiican la yeeshay beelaha dega Muqdisho, isaga oo ku xirmay odoyaasha iyo siyaasiyiinta.

Is fahamka Mucaaradka:  Dhacdadii December 17 lagu weeraray hoyga siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur waxaa uu ka mid ahaa dadkii gacan ka geystay soo deyntiisa, taasi oo lagu tiriyay in aanu ka raalli ahayn wixii dhacay.

December 30, 2017, Markii la weeraray guriga Cabdi-qeybdiid waxaa uu booqday guriga isaga oo yiri“Waxaan aad ugu xumahay falkii argagaxa lahaa ee loo geystay qoyska & Hoyga Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Labada Gole ee Baarlamaanka Senator Cabdi Xassan Cawaale (Sen Cabdi- Qeybdiid), wax la aqbali karo ma ahan in muwaadin si sharci-darro ah gurigiisa lagu weeraro, familkiisana argagax loogu geysto, iskaba-dayee Senator Qaran oo xasaanad buuxda leh. Waa in sharciga si deg deg ah loo horgeeyaa kuwa falkan argagax leh geystay iyo cid alaale ciddii amarkaas bixisay”.

Iyada oo Thaabit mucaaradka is fahmeen ayuu madaxweynaha safar ugu baxay gobollada bariga iyo bartamaha dalka, xitaa Thabit waxaa uu ka mid ahaa dadkii ka qeyb-galay heshiiskii Dhuusa-mareeb ee Galmudug iyo Ahlu-sunna.

Xiisadda Cusub:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa qoraal uu dorraad soo saaray lagu sheegay in uu ka walaacsanyahay jiritaanka warar sheegaya ku xadgudub dhulalka danta guud ee caasimadda Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa yiri “Sida uu tilmaamayo Qodobka 43aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhulku waa khayraadka koowaad iyo saldhigga nolosha dadka. Ilaa inta laga soo saarayo habraacyada sharci ee waafaqsan Qodobka 43aad ee Dastuurka, dhulka dowladda lama hibeyn karo, bixin karo, lamana wareejin karo.”

Habeen hore xilli saq-dhexe ah ayuu Thabit Cabdi isugu yeeray saxaafadda isaga oo damacsanaa in uu iscasilo, laakiin odayaal la shiray ayaa ka dhaadhiciyay in uu go’aankiisa baddalo, waxaana arrintaasi ka dambeysay in xalay January 20, 2018 xarunta gobolka Banaadir lagu qabtay shir-weyne  la sheegay in looga tashanayo masiirka iyo aayaha gobolka Banaadir, shirkan oo ay ka soo qeyb-galeen xubno ka socda 3.5-ka deggan xamar oo isgu jira goleyaasha degmooyinka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada waxaa ay Thabit si KMG ah ugu doorteen inuu sii hayo xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada 2da sano ee soo socota, iyada oo muddadaasi laga sii shaqeyn-doono maqaamka, lana dar-dar-gelin doono isku-duubnida bulshada iyo horumarinta adeegyada dadweynaha, laakiin looguma sugin oo saaka ayaa shaqada laga eryey, waxaana booskiisa loo magacaabay wasiirka warfaafinta Eng, Cabdiraxmaan Yarisow.

Ugu dambeyntii, lama saadaalin karo waxa xiga, laakiin waxaa muuqata in dowladda ay ka dhammaatay Thabit Cabdi, isagana ma aamusi-doono oo galaan-gal ayuu wadaa, waqtigana waa marqaati ah.

 

Xigasho Goobjoog News, 










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment