Sawirro:- Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey Shir Madaxeedka Midowga Afrika.

Bulsha:- Madaxweynaha ayaa caddeeyey in sanadka 2018 uu yahay sanadkii ay Afrika ku guulaysan lahayd la dagaallanka musuqmaasuqa, waxa uu tusaale usoo qaatay sida Afrika hodonka u tahay iyo sida dadkeedu saboolka u yihiin, Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in musuqmaasuqu sabab u yahay in horumar fiican laga sameyn waayo Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay Madaxda Afrikaanka ah in Dowladda Soomaaliya ay muhiimadda koowaad siinayso la dagaallanka musuqmaasuqa, wuxuu xusay Madaxweynuhu in ay sameeyeen Sharciga La-dagaalanka Musuqmaasuqa, adkeynta Nidaamka Maamulka Maaliyadda Dowladda iyo qaababka loo raacayo oo ay kamid tahay shaqaalaysiinta Dadweynaha, taas oo u baahan isla xisaabtan iyo in loogu adeego danaha Shacabka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Dowladdiisa ay muhiimad gooni ah siinayso soo celinta ammaanka, horumarinta dhaqaalaha, adeegga bulshada iyo maamul wanaagga.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad kale ka jeediyey shirka dib-u-qaabaynta Ajendaha Midowga Afrika, wuxuu caddeeyey Madaxweynuhu in Soomaaliya taageersantahay dib-uqaabayn lagu sameeyo Ajendayaasha Midowga Afrika.
Madaxweynaha ayaa xusay in ay taasi caddaynayso ka dhab-ahaanshaha Ururka ee xaqiijinta Hiigsiga 2063, taas oo keenaysa isdhexgalka iyo horumarka Bulshada Afrika.

-DHAMMAAD-









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment