Maxamuud Cabaas:- “Qudus waxa ay sii ahaan doontaa Caasimadda Falastiin”

Bulsha:-  Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abuu Maasin ayaa sheegay in Magaalada Barakeysan ee Qudus tahay, waligeedne ahaan doono Caasimadda Falastiin.

Hadalkaan oo uu ka jeediyey Magaalada Raamallaah ayuu Madaxweyne Cabaas sheegay in si kasta oo la iska indha tiro aanan gacantooda ka baxeen Magaaladaas Barakeysan, waxa uuna dhanka kale shaaciyey in aanan Marnaba la dafiri karin Kacdoonka Falastiiniyiinta ee Isreal ka dhanka ah.

53-sano guuradii kasoo wareegtay Aas-aaska Ururka Fatax oo ka dhacday Madaxtooyada ku taalla Raamallaah ayuu ka sheegay in wali halgankoodii uu soconayo, Kacdoonkooduna yahay in ay furtaan Magaalooyinka Gacanta Yuhuudda ku jira.

Sababaha Mareykanka ay ugu saareen in uu hormuud ka ahaado wadamada Dhex dhexaadinaya Falastiin iyo Isreal ayuu ku sheegay in uu ka saaray Liiskaasi Madaxweyne Trump oo guud ahaan wax waliba ku badalay Go’aankiisa aanan marnaba socon doonin.

“Illaa inta aan Guusha ka heleyno, Waxaan u dagaalami doonaa dhulkeena, waxaynu nahay dad u sabraya marxalad waliba oo soo wajahdo” ayuu yiri Madaxweyne Cabaas.
“Arrinta Qudus waxa ay mideyneesaa guud ahaan koox waliba oo kala tagta oo Muslimiinta kamid ah, Waana tan isku xirtay dareenka Muslimiinta dibad baxyada iyo Kacdoonka wada, Wiilasha Carabta ee Geesiyaasha ahoow, Marnaba uusan badalmin Mowqifkiina ah in aad difaacdaan Magaalada Qudus iyo Xuquuqda shacabka dulan ee Falastiin” ayuu yiri.

Ugu dambeyn Dhalinyarada Reer Falastiin ayuu ka dalbaday in ay sii wadaan Kacdoonkooda ka dhanka ah Mareykanka, Isreal iyo cid waliba xulafo la noqoto ayuu yiri.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment