Maxaa kala soctaa waxa u sababta ah dhibaatada Ethiopia ka heysata dhanka amaanka (Ogaaw)

Bulsha:- Dowlada Ethiopia ayaa wajaheyso kalsooni daro ciidanka ka heysata howlaha amniga, taa oo lii cineysa heerkii amni ee laga sugaayay ciidamada Ethiopia.

Aaminaad la’aanta ciidamada amniga federaalka ee gobolada ugu weyn Ethiopia ayaa loo aqoonsaday inay tahay dhibaatada  amniga ugu weyn ee uu wajahayo dalkaasi.

Qoraal uu baahiyay wargeyska The Addis Standard news portal ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ayaa lagu sheegay in ciidamada Ethiopia ay wajahayaan kalsooni darro aad u liidata.

Wargeyska oo xiganaaya ilo aan la shaacin ayaa sheegay in kulan Golaha Ammaanka oo la qabtay todobaadkii hore, lagu sheegay in iska caabinta xooggan oo ka timid qaybo ka mid ah gobollada Oromiya iyo Amhara ay ka dhigayaan mid adag shaqada ciidamada federaalka.

Hujuumka ay ciidamada kala kulmayaan Oromiya iyo Amhara, ayaa sii kala jabineysa isku xirnaanshiyaha ciidanka oo markii hore aheyd hal mideysan.

Nuqul kamid ah qoraalka wargeyska ayaa waxaa lagu yiri “Cabashooyinka waxaa soo gudbiyay xubno ka tirsan ciidamada difaaca qaranka iyo booliska federaalka oo ku saabsan iska-caabbinta xooggan ee qaybo ka mid ah dadweynaha, gaar ahaan gobollada Oromiya iyo Amhara,”
Dhinaca kale, Kulanka Golaha Ammaanka waxaa hogaaminaya Wasiirka Difaaca Siraj Fegessa waxaana ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha Hailemariam Desalegn iyo taliyeyaasha kale ee amniga iyo saraakiisha sare ee dalka Itoobiya oo dhan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment