Maxaa kala socotaa Isbedelka dhanka Cimilada ah ee laga dareemay magaalada Muqdisho?

Bulsha:-  Shaki kama taagnaa inuu jiro isbedel dhanka cimilada oo wayn, iyadoo dadka ku nool Magaalada Muqdisho ay dareemayaan isbedelkaan ku yimid dhanka Cimilada Somaliya.

Isbedelka wayn ee dhanka Cimilada ee la dareemay ayaa ah habeenkii oo dadka reer Muqdisho ay dareemaan qabow badan oo qar qaryo wata, horay uma aysan arki jirin dadka reer Muqdisho qabowga noocaan oo kale ah.

Sidoo kale maalintii waxaa ka jira Magaalada dabeyl badan oo carada kicinaysa, waana mida keentay dhaqdhaqaaqa socodka dadka maalintii inuu gaabis noqdo, qof walibana uu ku ekaado goobtiisa, shaqada gurigiisa iyo meesha uu ku sugan yahay.

Inta ugu badan dadka oo ah kuwa ka shaqeeya goobo kala duwan oo Magaalada ah ayaa qabowga aroortii jira wuxuu saameeyay jadwalkooda shaqada, maadaama ay ku adkaatay inay kacaan subaxdii xilli hore.

Qaybaha Bulshada oo isugu  jira kuwa shaqaale ah iyo kuwa aanan shaqaale aheyn oo xarumaha shaqada milki u leeyihiin, ayaa dadka milkiyada leh goobaha shaqada waxa ay sheegayaan hurdada inay ku gaaraan illaa 9-ka Subaxdii iyaga oo ka kici waaya hurdada, sababo ku aadan qabowga subaxdii ka jira magaalada.

Shaki kama taagna qofka ku nool Muqdisho haddii aad tahay inaad dareentay qabow badan oo kugu kalifay inaad aroortii hore aad hurdada ka kici waydo ama aad qubeysan waydo, laakiin sababta ay tahay isbedelka dhanka Cimilada ee Muqdisho lagu arkay.

Marka laga hadlaayo dhulka Somalida Muqdisho waxa ay ka mid tahay Magaalooyinka ugu wanaagsan dhanka Cimilada ee aan qabow iyo kuleyl midna aheyn, maadaama cimiladadeeda dhexdhexaad ay tahay.

Deeganada Somalida waxaa aad ugu qabow dhulka ku xayndaaban Buuraha, sida Magaalooyinka Ceerigaabo, Sheekh, Wajaale, Boorama, Hargaysa iyo deegano kale oo intooda badan dhaca Waqooyiga dalka, dadkana ay la qabsadeen qabowga xoogan ee ka jira deeganadaasi.

Dadka ku taqasuusay arrimaha isbedbedelka Cimilada, illaa hadda sabab rasmi ah kuma sheegin isbedelkaan dhanka Cimilada ah ee laga dareemay Magaalada Muqdisho.
Heerkulka Muqdisho ayaa maraya 23, markii hore wuxuu ahaan jiray 34 illaa 30 inta u dhaxeysa, balse hadda farqi wayn ayaa u dhaxeeya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment