Ergeyga Qaramada oo warbixin ka siiyay golaha Amaanka xaalada Soomaaliya iyo xiisadihii siyaasadeed ee dhacay

Bulsha:-  Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa khudbad dheer ka jeediyay kulan Golaha Ammaanka ay ku yeesheen magaalada New York.

Khudbadda Micheal Keating oo qaadatay daqiiqado badan ayaa waxaa uu kaga hadlay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ee sanadkii 2017, isbedelkii nabadeed ee lagu kala wareegay xukunka, kaddib doorashadii madaxweyne Farmaajo, waxaa si gaar ah diiradda ku saaray waxyaabihii ka qabsoomay Soomaaliya, guulihii ay gaartay dowladda, ammaanka, howlgalka AMISOM iyo dagaalka Al-Shabaab.

Mr Keating ayaa sheegay in xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ay meel aad u kacsan gaartay, xiisadihii bishii December ee ka dhashay dhacdooyinkii is xigay ee ka dhacay Muqdisho sida howl galkii Ciidamada NISA ku qaadeen Guriga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, xariggii loo geystay iyo weerarkii guriga Senator Cabdi Qeybdiid oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka.

Sidoo kale Wakiilka gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa sheegay in xil ka qaadistii lagu sameeyay Duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ay abuureen mowjado siyaasadeed.

Ergeyga Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dhacdooyinkaas ay muujiyeen dhibatooyinka aas aasiga ee ka jira dalka, islamarkaana loo baahan yahay in wax laga qabto sida shuruucda aan ku filneyn iyo ilaalinta nidaamka siyaasadda.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment