DEG DEG: Pierre-Emerick Aubameyang oo si rasmi ah ugu biiray Arsenal.

Bulsha:- Kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah u xaqiijisay iney dhameystirtay saxiixa laacibka ay dhawaanahan ku raad joogeen ee Pierre-Emerick Aubameyang.



Heshiiska ay Arsenal kula wareegtay Pierre-Emerick Aubameyang ayaa wuxuu ku kacay 63.75 milyan oo euros, agaasimaha ciyaaraha kooxda BVB ayaana bayaan ay kooxdiisu soo saartay ku xaqiijiyey inuu Aubameyang  ku biiray Gunners.



Kooxda Jarmalka ka dhisan ayaa u mahadcelisay Pierre-Emerick Aubameyang kaasoo ay sheegeen inuu shaqo wanaagsan u qabtay una dhaliyey goolal muhiim ah, wuxuuna ka mid ahaa kooxdii Dortmund ee hanatay DFB Cup sannadkii 2017kii.

 

Dhanka kale, Arsenal ayaa iyana xaqiijisay inay lasoo wareegtay Pierre-Emerick Aubameyang heshiis rikoor ah, iyadoo sheegtay inay ka saxiixatay qandaraas muddo dheer ah, waxaana intaas lagu daray in dhowaan la xaqiijin doono lambarka uu kooxda u xiran doono.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment