Xulka Kubadda cagta Jubbaland oo ku guuleystay Koobka, kadib Markii Ay dhegaha ka tumeen Xulka Puntland

Bulsha:-  Xulka kubadda cagta ee Jubbaland ayaa ku guuleystay Tartanka Ciyaaraha maamul goboleedyada, kaddib markii ay ciyaartii Finalka 1-0 uga badisay xulka Puntland oo tartankan ku guuleystay sanadkii hore.

Jubbaland ayaa ka aarsatay Puntland oo sanadkii hore ka qaaday, waxaana maanta ay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan oo kubad wanaag ka muuqatay.

Jubbaland ayaa goolka dhalisay daqiiqadii 74aad ee qeybtii labaad ee ciyaarta, waxaana markii garsooraha uu ku dhawaaqay seeriga inay dhamaatay ciyaarta ayaa waxaa ciyaartoyda iyo taageerayaashooda ay bilaabeen dabaal deg.
Ciyaartoyda Jubbaland ayaa  la guddoonsiiyey  Koobka ay ku guuleysteen, iyagoo noqday Kooxdii labaad ee Tartanka ku guuleysta.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment