Waddamada Bariga Afrika oo sameystay Ciidan gaar ah oo la dagaallama argagixisada

Bulsha:- In ka badan 300 Askari ayaa tababar loogu soo xiray Dalka Tanzania,kuwaas ooq aadanayay tababar la xiriira la dagaallanka argagixisada,gargaarka,deg deg uga jawaabidda weerarrada iyo musiibooyinka.

Ciidamadan ayaa ka kala socday dalalka la isku yiraahdo Bulshada Barifa Afrika oo kala ah; Burundi, Kenya, Rwanda, Tanzania iyo Uganda.

Tababarkan oo Sanadkiiba ay ka qalin jebiso 300 Askari ayaa sanadkan lagu qabtay Dalka Tanzania,waxaan isag dhan la billaabay Sanadkii 2011kii.

Xarunta Ciidanka Difaaca Dadka ee Tanzania oo ku taalla Magaalada Daar Salaam ayaa lagu qabtay waxaana bixinayay Saraakiil ciidan oo ka socda shanta dal ee deriska ah.

Ergeygii hore ee Qaramada Midobeey ee Soomaaliya haddana ah Wasiirka arrimaha dibadda Tanzania,Augustine Mahiga ayaa soo xiray Munaasibadda waxaana mar uu ka hadlayay Munaasibadda sheegay in Argagixisada ay hadda dib isu soo urursaneyso loona baahanyahay in wada jir looga hortago.
Ciidamadan ayaa noqon doona kuwo heegan u ah ka jawaabidda weerarrada Argagixisada waxaana sidoo kale isu gurman doonaan marka dal ka mid ah Dalalka ku jira Ururkan uu u baahdo kaalmo.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment