Video: Sidee ayaa loo dilay madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax?

Bulsha:-  Madaxweynihii hore ee dalka YemenCali Cabdalla Saalix ayaa lagu dilay magaalada Sanca, sida laga sheegay raadiyaha wasaaradda arrimaha gudaha Yemen, oo ay maamulaan kooxda Xuutiyiita.

Xisbiga Saalix ayaa sidoo kale xaqiijiyey in hoggaamiyahooda la dilay. Ilo-wareedyo ku dhow Saalix ayaa taleefishinka Aljazeera u sheegay in madaxa kooxda qaabilsan sugidda ammaanka Salah, Hussei al-Hamidi sidoo kale la dilay.

Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalix oo ka baxay magaalada Sanca ayaa gaadiidkiisa wadada loo galay, waxaa la socday kaaliyaha xogheyaha guud ee xisbiga Yaasir Cawaadi, General  Cabdalla Maxamed qowsi iyo wiilkiisa Khaalid Cabdalla Saalix.
Markii ay soo gaareen tuulada Jaxshi oo u dhaw Sanca ayaa waxaa soo weeraray 20 Tikniko ah oo Xuutiyiinta ah, kadibna nolosha ayaa lagu  qabtay Cali Cabdalla Saalix, gaariga aya laga soo dejiyay, Madaxa ayaa laga toogtay, waxaa sidoo kale la dilay kaaliyaha ururka halka wiilkiisa Khaalid oo dhaawac ah la afduubtay!

Dhinaca, waxaa la la’yahay mas’uuliyiinta ka tirsan ururka, Lama oga halka ay joogaan xogheyaha guud ee ururka Mu’tamar Caarif Zuuka iyo taliya ciidanka Dhaariq Saalix.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment