Turkiga oo Ciidamo badan u diray Qadar

Bulsha:- Dowladda Turkiga ayaa kumanaan Askari u dirtay Dalka Qadar,halkaas oo ay ku leeyihiin Saldhig Ciidan,kaas oo ay furteen Sanadkii 2015kii.

Wasaaradda Difaaca Qadar ayaa sheegtay in Dowladda Turkiga Ciidamo ka socda tageen Saldhigga Ciidanka Cirka ee Al-Cubeyd oo Dooxa ku yaalla.

Wasaaraddu ma sheegin sababta ciidanka cusub u tageen Dalka Qadar,sidoo kale dhinaca Turkiga kama hadlin arrinkan,waxaana la hadalhayaa in Ciidamadan ay dhoolatus wadajir ah la sameyn doonaan kuwa Qadar.

Dowladda Turkiga ayaa bartamihii Sanadkan Ciidamo dheeraad ah geysay Qadar kaddib markii Waddamada Khaliijka ay go’doomiyeen Dowladaha kula jira Ururka iskaashiga Khaliijka Carabta.
Saldhigga Ciidamadan ay tageen waxaa uu qaadaa 5,000 oo Askari,waxaana la rumeysanyahay in dowladda Turkiga oo xulafo dhow la ah Qadar ay ka taageereyso dhinaca difaaca xitaa haddii Waddamadan Carabta ay weeraraan Qadar.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment