Sidee ayey RAGGU wax u caashaqaan.? (Maqaal qodobo xiiso badan xambaarsan)

Bulsha:- Wajiga 1: ‘Waa ka Helay: Wajigan wa tan ugu khiyaanada badan oo ragu sameyan, haduu wiil ku dhaho ‘Waa ka heley’ ma ula jeedan in shaqsiyadada ka helay ee waxey ula jeedaan jirkaga iyo qaabka u egtahay ayaan ka helay.
Waxba ha is moojin gabaryahey oo ha u maleyn in qof ka heli karo shaqsiyada marka kowaad uu ku arko. Nafsadada ha khiyaanin oo jaceylka ma ah qurxda qofka oo kaliya. Nimanka badankood waxa soo jiita xabadka haweenka iyo qaabkooda, nimanka qeebtoodna waxa soo jiita faruuryaha ‘bushimaha’, sanka, ama indhaha. Maskaxda ku heey in nin jaceylkiisa hal mar ka wada iman karin.

Wajiga 2: ‘Sahan’

Markey nimanka ku heesaan ‘doon Doonisteedii, daal Aan Ka Qaadaan, La Taag Dareeyey’ waa runtood, ragu markey shukaansi kusoo doontaan waxey ku jiraan sahan micnaheedu yahay adiga oo kaliya kulama socdaan oo ugu yaraan labo kula mid ah ayuu xiriir gaagaab ah la wada. Markan waxey doonayan gabar fursad siisa oo nolasha la qeybsata. Hada ka heshay qalbigada u fur, hadaadan ka helina ka carar qofna ma jecla inuu subax kasta kasoo ag kaco qof uusan jecleyn.

Wajiga 3: Waa ka yaabina

Wajigaan waa marka wiilka lacagtu hayey dhan kugu qarashgareeyo, ogow nimanka waxa ka dhaadhacsan in lacagtu wax kaste u gooyso. Ubax, saacad, iyo hadyado qaali ah waa markad ka dhargeysid, laakinse waqti badan ma soconeyso ee ka feejignow oo go’aankada haka khalkhalin.

Wajiga 4: Isbursi

Waliga wiil ma u il-jabisay adoon waxba ula jeedin markas wiilkas maka daba cararay oo u maleeyey inaa daneysay, ogow markan wiilasha badankood kaama helin laakinse waxey ogyihin inaa adiga ka heshey. Waa marku uu bilaabmo iney ku doodoonaan oo ka daba cararaan.

Wajiga 5: ‘Qasab igu Jeclow’

Qasab igu jeclow abaayo, waa marka wiilku kaa helo laakinse uu kaa dareemin wax tusinaya inaad ka jeceshahey. Markaas wuxu ku walwalaa suu jaceyl kugu abuuri laha, waa marka uu matalaa filmanta hindiga ah oo kalmad kaste oo jaceyl ku saabsan uu yaqaano kugu dhaha. Wiilasha qeebtood waxa laga yaaba in adiga daraada usoo xifdiyaan kalmado jaceyl ah.


Wajiga 6: ‘Been ku guri keen’

Dumarka been baa lugu guri keena runa waa lugu dhaqa, hadabe waa run xikmadaas. Qeybtan waa marka go’aan goosanayo waa marka aad aragta wiilka aad jecleed iyo qofka runta ah uu yahey, waa marka kalmadaha uu soo xafdiyey ee ka guuraan oo dhabta imaata. Waxaad ogaan karta qofka runta uu yahey ee digtoonow.

Wajiga 7: ‘Waa ku jeclahey’

Haduu wajiga been ku guri keen socon weeyso, wuxu ku oran waa ku jeclhey waa marka badana uu ninku laba mid raaco, inuu xiriirkas si xun kugu jaro ama uu ku hanto.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment