MUUQAAL: Yuhuuda oo Duqayn iyo Weerar toos ah ku bilowday Shacabka FALASTIIN Iyo Waxa dhacay

Bulsha:- Diyaaraha dagaalka ee Israel ayaa saaka aroortii duqeyn ku bartilmaameedsaday bakhaaro ay Israel sheegtay inay leeyihiin garabka hubeysan ee ururka Hamaas ee magaalada Gaza, waxayna talaabadan Israel sheegtay inay uga aargudanayso gantaallo dhinaca Gaza looga soo tuuray oo ku dhacay koonfurta Israel.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay subaxnimadii hore ee Sabtida duqeeyeen goob hubka lagu sameeyo iyo bakhaar rasaasta lagu kaydiyo, Gantaallada ayaa Israa’iil lagaga soo riday dhanka Qaza mid ka mid ahna wuxuu ku dhacay magaalada koonfurta ku taalla ee Sderot.

Xiisadda ka dhex taagan Falastiiniyiinta iyo Israa’iil ayaa sare u kacay tan iyo markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu aqoonsaday in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil.


Go’aaankaas uu Arbacadii gaaray ayuu kaga baxay siyaasad uu Maraykanku dhexdhexaad kaga ahaa arrintan muddo tobannaan sano ah.

Israa’iil ayaa waligeed u aragta Qudus in ay caasimaddeeda tahay, halka Falastiiniyiintyna ay ka sheegtaan in Bariga Qudus oo ay Israa’iil ku qabsatay dagaalkii 1967dii in ay tahay caasimadda dawlada ay mustaqbalka yeelan doonaan.


Dhinaca kale Ciidamada Israaiil ayaa Weerar toos ah ku qaaday qaar kamid ah goobaha ku Sugan yihiin dadka Shacabka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment