Muuqaal: R/wasaare Khayre oo Wasiir C.raxmaan Bayle Hambalyo ugu tagay, Kadib Guushii uu Soomaaliya u keenay

Bulsha:-  Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa booqday Xarunta Wasaaradda Maaliyadda, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen Wasiirka, Wasiir ku xiggeenka, Wasiir dowlaha iyo Masuulinta kale ee Wasaradaasi.


Ra’iisul wasaare Kheyre, ayaa shaqaalaha iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ku amaanay guusha ay ka gaareen Wada hadalladii hay’adda lacagta aduunka ee IMF, barnaamijka taxana ah ee isbadalka iyo dowlad wanaagga lagu hirgalinayo ee SMP, kaas oo Mustaqbalka Soomaaliya u horseedaya in laga cafiyo daymaha dibadda dibna loo maal gashado.

Madaxda Hey’adda Lacagta aduunka ayaa ku qancay qaabka maamulka Maaliyadeed ee Dowladda Soomaaliya , iyadoona Madaxdii Wasaaradda Maaliyadda ku ammaanay sida dardarta ah ee ay xoogga u saaraan in Soomaaliya dhaqaalaheeda uu kordho.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment