Muuqaal: Prof. Cali Maxamed Geedi oo Luuqad adag ugu Jawaabay C.raxmaan C.shakuur iyo Mucaaridka DF Somalia

Bulsha:-Ra’iisul Wasaarihii Hore ee  Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa farriin qaran u diray shacabka Soomaaliyeed isaga oo ugu baaqay in ay dowladnimada ilaashadaan.


Ra’iisul Wasaare Geeddi ayaa caddeeyay inuu ka xunyahay qodxaha iyo jilaafooyinka loo dhigayo dowladnimada curdanka ah isaga oo kula dardaarmay in dowladda dhaliil wax dhiseysa loo jeediyo oo aan mucaarado iyo
fowdo dalka laga kicin.

Prof. Geeddi ayaa ka hadlay warkii kasoo yeeray Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ahaa in dad marti ku ah magaaladan ay jiraan, wuxuuna ku tilmaamay hadalkaas mid gef ku ah shacabka  Soomaaliyeed ee ah hal qoys.

Waxa uu adkeeyay in qof dalkan inuu hoggaamiye ku haminayo uu ku hadlo hadallada sidan u hooseeya.
Ugu dambeyn Ra’iisul wasaarihii hore ayaa ka dhawaajiyay guulaha ay Xukuumaddu ku tallaabsatay iyo sida beesha caalamka ay dadaal ugu bixineyso in ay Soomaaliya soo kabato, isaga oo tusaale usoo qaatay horumarka dhanka maamulka maaliyadda iyo xiriirka ay dowladda la leedahay Bankiga Adduunka iyo IMF-ta.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment