MUUQAAL: Muran iyo dood ka dhalatay Hadalkii uu Sheegay R/wasaare Khayre

Bulsha:- R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dhowaan sheegay inaysan wax lacag ah ugu imaan Khasnada Dawladda, Waxayna Arintaasi dhalisay Dood iyo Muran ka yimid dhinacyo kala duwan.


Nuur Faarax Hanti-dhowrihii Hore ee Xilka laga qaaday ayaa sheegay in R/wasaare Khayre uu ilduufay,  Wuxuuna sheegay inay lacag gaadhaysa 5-milyan ay ku Jirtay Khasnada Dawladda.

Hadii Khasnada Dawladda ay lacag ku jirtay maxay Dawladii hore u bixin wayday Xaquuqda Shaqaalaha Dawladda iyo Xildhibaanada ? Waxaa arintaasi sheegay  Cabdi Barre Jibriil oo kamid ahaa Xildhibaanadii Hore.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa dhankiisa is waydiiyey Cida ay Rumaysanayaan, Madaxda kala duwan ee Arintaasi isku Khilaafay.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment