MUUQAAL: Erdogan oo 65-sano kadib Booqday dalka Giriiga iyo Hadalo kulul oo Madaxda ay is dhaafsadeen

Bulsha:-  Booqashadii u horraysay ee madaxweyne Turki ah uu ku tago Giriigga muddo 65 sano ah ayaa u billaabatay si kulul ka dib markii madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisii martigalinayay ay is waydaardeen erayo aan lala kala gabanin.

Erdogan ayaa sheegay in uusan caddaalad u dhicin heshiiskii 1923 lagu jeexay xadka Turkiga markii uu dhammaaday dagaalkii koobaad ee adduunka, Laakiin madaxweynaha Giriigga Prokopis Pavlopoulos ayaa diiday in wax isbadal ah lagu sameeyo heshiiskii Lausanne.

Calaaqaadka labadan dal ee xubnaha ka wada ah Nato ayaa ahaa mid aan sahlanayn muddo tobannaan sano ah.

Waxyaabo badan ayaa jira. Muranka jasiiradaha aan la daganayn ee dhaca badda Aegean arrintaas ayaana labada dal qarka u saartay in ay dagaalamaan sannadkii 1996-dii.


Waxaa kale oo ay heshiis nabadeed ka gaadhi waayeen Qubrusta kala qaybsan, waqooyiga Qubrus ayayna qabsadeen Turkigu 1974tii ka dib markii ay halkaas ka dhacday afgambi milatari oo uu Giriiggu taageerayay.

Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in aan la ixtiraamin Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Giriigga ah balse asalkoodu Turkida yahay ee degan waqooyi bari ee Giriigga.

Erdogan oo ku sugan Athens ayaa sheegay in aan Muslimiinta loo ogolayn in ay doortaan Muftigooda uuna Giriiggu u magacaabo qofka xeeldheere diimeed u noqonaya.

Dawladda Turkiga ayaan sidoo kale ku faraxsanayn go’aanka ay maxkamadda ugu sarraysa dalka Giriiggu ku diiday in la masaafuriyo siddeed ruux oo ka tirsanaa milatariga Turkiga oo baxsaday ka dib markii lagu eedeeyay in ay ku luglahaayeen afgambigii dhicisoobay ee sannadkii hore.

Erdogan ayaa sheegay in uu ku baaqayo in askartaas loo soo gacan galiyo.

Dhanka kalana Giriigga ayaa ka cabanaya in Turkigu uu si joogto ah ugu xad gudbo hawadooda iyo baddooda.

Laakiin xiisadda ka dhex taagan dariskan ayaa soo billaabatay 1830yadii, markaas oo Giriiggu ka xoroobay boqortooyadii Cusmaaniyiinta.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment