Madaxwayne Farmaajo oo kala saaray Sarkaalka iyo Askariga midka xumaantu ka timaado iyo Siduu uga digay Qabiilka

Bulsha:- Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay sheegay
inaanu jirin Askari xun balse uu jiro Sarkaal xun.


Waxa uu Madaxweynaha sheegay in Askari uu qabanaayo keliya howsha la faro, hase ahaatee taxadarka uu yahay mid laga doonaayo Sarkaalka maamula.

‘’Waan la socnaa inaanu jirin Askari xun balse uu jiro Sarkaal xun oo ciidamada ku haga jihooyin khaldan oo aan munaasib aheyn’’

‘’Sidaa darted waxaan ciidamada ugu baaqeynaa inay ilaaliyaan waajibaadka ka saran difaaca dalka iyo dadkooda’’
Farmaajo waxa uu Saraakiisha iyo ciidamaduba ka dalbaday in ay ilaaliyaan hufnaanta Shaqo, waxa uuna tilmaamay in qof waliba lagula xisaabtami doono waxa uu geysto.

Waxa uu intaa raaciyay in ay muhiim tahay in sare loo qaado Aqlaaqda Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay yihiin kuwa ugu badan ee la sugaayo inay la dhaqmaan shacabka qeybahooda kala duwan ee Gobolada ku dhaqan.
Sidoo kale, waxa uu Farmaajo uga digay ciidamada inay u fikiraan qaab qabiil, waxa uuna soo xusuusiyay in cida ugu horeysa ee uu saran yahay mas’uuliyada amnii inay iyaga yihiin.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment